Qilafkii golaha wasiirada ee 1961



 1961-dii November ayaa golahii wasiirada qilaaf QABIIL ku saleeysan ka dhex aloosmey ayadoo uu dagaal ba’an dhex marey Prime-Minister Abdirashiid Ali Sharmarke iyo Wasiir Sh. Ali Jimcaale taasoo qasabtey inuu Wasiir Mohammed Ibrahim Cigaal oo la saf ahaay sheikh Ali Jimcaale xilkii laga qaado labadoodaba.


Wuxuu xilkii ka qaaday:


1. Sh Ali Jimcaale Wasiirka caafimaadka & shaqada wuxuuna ku badalay AXMED Geele Hassan Xawaadle ahaa asagoo uu ka dhigey Wasiirka cadaalada & Diinta.


2. Mohammed Ibraahim Cigaal Wasiirkii Tacliinta, wuxuuna ku badalay Yuusuf Ismaaciil Samatar oo Isaaq ahaa wuxuu ka dhigey isla wasaaradii Waxbarashada.


3. Maxamed Ahmed Mohamuud (Abgaal) ahaana wasiirka cadaalada ayaa la geeyey WASAARADA Caafimaadka & Shaqada oo ah wasaarad mug laheyd ee uu Sh. Ali Jimcale haayey.


Waxaa banaanbaxyo gilgileen magaalooyinka Bulaburte & Beledweyn ayadoo odoyaal dhaqan, Culumo, iyo xisbiga SYL xafiiskiisa Hiiraan oo wada jira ku eedeeyeen Raysal-Wasaare Abdirashiid Ali Sharmarke EEX, & Qabyaaladba.


Waxaa Beledweyn gaarey Gole wasiiro ah Bishii December 1961 oo uu hogaaminaayey Wasiirkii Arimaha Gudaha Abdirizak Haghi Hussein si buuqa & banaanbaxyadda loo yareeyo.


Abdirizak waa laga horyimid ayadoo lagu yiri: Abdirashiid  Waxba ma dhaantid ee qabyaalada aad qaran 1 sano jiro keenteen leeydinka yeeli maayo.


Wasiirka Abdirizak Asagoo careysan ayuu Muqdisho dib ugu soo noqdey, kadibna Raadiyaha ka dhaartey in Dowladu ciqaab marin doonto dadka qaswadayaalka ah ee taageersan Sheikh Ali Jimcale ee foowdada iyo qalqalka siyaasadeed dalka galinaya.


1962-dii Sheikh Ali Jimcaale wuxuu ka baxay xisbigii SYL oo noqdey xisbi koox ilma adeero ahi ku shaqeeystaan wuxuuna horey usii kaxeeystey xeyn siyaasiyiin ah oo ayagana ka baxay xisbigaas ayagoo furtey xisbi kale oo Cusub Lana magac baxay (SNC) Somali National Congress.


Xisbigaa oo noqdey xisbi Mucaarad ah ayaa doorashadii 1964-tii helay 22 cod. 

Xigasho:- Ilyaas xayuuke.

Comments