Somalidu ma carabaa mise waa Afrikan
Marka laga hadlaayo jinsiyada somalida dadka qaarkood waxeey u xagliyaan ineey somalidu carab tahay halka kuwa qaarna eey u xagliyaan ineey yahiin africaan.
1:-Somalidu ma carabaa? Dadka qaar waxeey aaminsan yahiin in somalidu carab tahay sida EGYP’tiba eey u tahay carab Masaaridu maaha dad sida Carabta kale u cad waa dad kalarkoodu uu ku jiro gaduud saas eey tahayna waa nooc carabta ka mid ah sidaas oo kale dadka qar ayaa aminsan somalida ineey tahay nooc ka mida carabta.
2:-Somalidu ma afrikanbaa? Dadka qaar ayaa aaminsan in somalidu tahay afrkan waana sideey u wada badan yahiin dadka, dadka qaar ayaa yiraahda sida Scandinavian
Eey yurubiyaanka kale uga duwan yahiin kalarka indhaha iyo timaha ayey somalidana uga duwan yahiin sanka iyo timaha afrikanta kale marka hadeey scandinavian’ku yahiin yurubiyaan maxaa diidaya in somalidu noqoto afrikan.
3:-Somalidu ma soomaaliba? Waxaa jiro dad yar oo somali ah oo aaminsan ineysan aheyn afrikaan iyo carab midnaba eey yahiin somali kaliya. Sidoo kale waxaa jira dad aaminsan ineey somaliu yahiin Afrikan iyi Carab isku tagtay, waxaa ka sheegaa kadib markii uu Tatarku soo gaaray dhulka carbeed ineey Carabtii u soo qaxeen (guureen) dhankaan iyo Afrika igoo soo dagay dhulka waqooyi bari qaarada Africa, halkaasna eey ku wada dhaqmeen oo Carbtii soo haajirtay iyo Afrikantii meesha dagenaa isku dhex milmen.
Hadad meshaan soo gaartay adba fikirkaaga dhiibo adkiga maxeey kula tahay.

Comments
Post a Comment