Kadib markey dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaaa bilawday dagaal sokeeye kaaso oo u dhexeeyey Cali Mahdi Maxamuud oo ahaa madaxweynaha ku meel gaarka ee jabhadii USC (United Somali Congress) iyo Janaraal maxamed Faarax Caydiid oo ahaa hogaamiyaha isla jabhadaadaas mid walba oo iyga kamida waxuu rabay inuu talada wadanka gacanta ku dhigo, hasayeeshee 1991 waxaa dalka Djibuti lagu doortay Cali Mahdi Maxamuud kadiba waxaa si cad isku hortaagay Maxamed Faarax Caydiid halkaasna waxaa ka dhashay dagaal qaraar oo u dhexeeyey Madaxweynahii kumeel gaarka ahaa ee Cali Mahdi iyo janaraal Maxamed Faarax Cayadiid Dagaalkaas waxaa uu ka dhacay magalada muqdisho asagoo socday 4 bilood.
Intuusan dagaalka furmin ka hor wxaa leysku dayay in wada hadal lagu dhameeyo qilaafadka jira lakiin odayashii dhaqan ee la rabay ineey wax xaliyaan ayaa dab ka sii huriyay dagaalkii xalka loo radinayay aygoo yiri oraah caan ka dhex noqotay bulashada Somaaliyeed oo aheyd (Cali´na gar leh Caydiidna gar leh).
Dagaalka ooy dadka badi u yaqanan dagaalkii Habargidir iyo Abaal ayaa geeystay qasaaro faro ilaa ay dadka qaarkood naftooda kala baxaan magalada Muqdisho aygoo dagay magalada banaankeed halka dadka qaarkoodna eey kenya ku noqdeen qaxooti halka kuwii hantida haystay eey badankooda aadeen wadanka dibadiisa.
Sidoo kale marka laga soo tago labada awood ee madaxtinimada wadanka isku haysatay waxaa jiray labo nin kale oo Dowaladii Maxamed Siyad Barre wax ka rirday oo la kala yiraahdo Duuliye Faarax Gubadleey oo hastay eelaboorka muqdisho iyo dekeda Muqdishaba iyo Maxamed Afrax Qanyare oo asna haystay degmeda Dayniile oo u aheed saldhig iyo meelo kale oo badan, labadaan nin ayaa diiday ineey dagaalka faro galiyaan halka dadka qaar eey sheegaan ineey faro galiyeen ooy si hoosad ah dagaalka ugu jireen waxaana la sheegaa ineey ka mid ahayeen ragii yiri Cali´na gar leh caydiid´na gar leh.
Muqdisho ayaa afar bil waxeeey ku jirtay xabad joogto ah dhac joogto ah dhimasho joogta ah dadka reer muqdisho waxeey gareen xaalad quus ah dadku waxeey ku soo kacayeen cabsi iyo manta maxaa dhici doona. Ugu danbeyen dagaalkii waxaa laga gaaray xal waara lkn qilaafka ka dhexeeyo labada dagalame ee Maxamed Caydiid iyo Cali Mahadi, Hase ahaatee Cali Mahdi waxa uu sii watay xilikiisii madaxweynenimo asigoo reeysulwasare u doortay Cumar Carte Qaalib.

Comments
Post a Comment