Ereyga somaali ereygaan ayaa la sheegaa inuu ka yimid labo midkood. Tan koobaad hada kahor ayaa ciidankii talyaniga ahaa ee somaaliya joogay u soo martiyeen nin somaali ah kadibna wuu u gogol dhigay oo marti sooray kadib ayuu wiilkiisii inta u wacay ku yiri Aabo martida saca haloo soomaalo ee hooyadaa u sheeg. Nimankii askarta ahaa ee talyaaniga ahaa ayaa ka helay Ereygii ahaa soomaal ayagoo ku celceliyay kana helay Ereyga, sidaas ayuuna ku caanbaxay ereyga somaali talyaaniga ayaa bilabay ineey gadeegsadaan magaca somaal, oo hadii la yiraa intee ka tmid waxeey dhigi jireen somaal baan ka nimid wadankana sidaas ayuu magaca somaalia ku qaatay.
Ereyga somaali inuu ka yimid lobo xaraf oo isku tagay kuwaas oo kala ah soo iyo maal.
Magaca wadanka xitaa waxuu ka turjumayaa in somalidu waligeed aheed xoolo dhaqato.
Mida labaad ayaa ah in uu jiri jiray oaday la oran jiray samaale oo dhalay 9 cunug ooy ka mid yahiin MAYLE SAMAALE oo qabiilka XAWADLE ka farcameen iyo IRIR SAMAALE ooy ka farcameen HAWIYE IYO DIR iyo kuwo kale oo badan, odaygaan ayaa la sheegaa in somalida oo dhan ka soo farcameen marka la reebo qabiilka darood. Sidaas darteedna uu wadanka magaciisa ku noqday soomaali.
Sidoo kale marka la eego buugaagta carbeed waxeey qoraayaan in somalida dhulkeeda wagii hore loogu wici jiray DHULKII UDUGA iyo CARAFTA. Sababta ayaana ah in caratu somalia ka qaadan jirtay ama ka dhoofsan jirtay waxyabaha leysku carfiyo.

Comments
Post a Comment