Sida tariiqda lagu haayo Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhashay sanadka markuu ahaa 1919,kii waxa uuna ku dhashay gobolka Gado,
halka dadka qaar eey sheegaan inuu ku dhashay agagaarka laas gacal ee dagmada ceelgaab oo hoos tagta degmada shilaabo oo dhcada dowlad degaanka somali itoobiya, inuu ku dhasahay intii u dhexeeysay 1915 ilaaa 1916,dii. Maxamed Siyaad Barre labadiisa waalid waxeey dhinteen asoo yar kadibna koriimadiisa waxaa la wareegay adeerkiis oo la oran jiray Xirsi Barre. 1933,dii ayaa Xirsi Barre lagu dilay dagaalo reer dhexmaray sidaas ayuuna mar kale Maxamed Siyaad Barre ku wayay laf dhabrtii noloshiisa. Maxamed Siyaad Barre 1936 ayuu iskaga soo tagay baadiyaha asoo yimid magalada DHUUSOMAREB kadibana waxa uu u soo gudbay magalada BELEDWEYNE halkaas uu ciidan ka qortay. markuu dhameystay dabobarka waxaa loo wareejiyay magalada casimada ah ee MUQDİSHO halkaas uu ku qaatay tabobar dheeri ah. Maxamed Siyaad Barre ayaa iskaga tagay shaqdii cidanimada kadib markii loo sheegay in labo adeeradiisa ahaa la dilay waxa uuna aaday deegaanka ULASAN ee markaa reerkiisu dagnayeen. waxa uu soo laabtay 1941 asoo ku biiray cidankii ingariiska halkaas uu ku helay dalacsiin wxaana laga dhigay halifle. kadib wax barasho loogu diray dalka kenya ee magalada neyroobi 1955 waxa uu u dalacay 2 xidigle. markii la dhisay ciidanka booliska somaliyeed waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka gobolka banadir kadibna waxa uu u sii wareegay xafiiska guud ee ciidanka booliska. 12/4/1960 waxaa la dhisay ciidankii xooga dalka somaliyeed waxaana taliye looga dhigay Ganaraal Daa,uud Cabdalle Xirsi halka Maxamed Siyaad Barre looga dhigay taiye ku xigeen, Ganaraal Daa,uud Cabdalle Xirsi ayaa xanuun ugu geeryooday magalada moosko ee dalka Ruushka waxaan ciidanka qaranka taliye looga dhigay Maxamed Siyaad Barre. 15/10/1969 waxaa magalada LAASCAANO lagu dilay madaxweynahii xiligaa talada dalka hayay ee C/Rashiid Cali Sharmake dalka ayaa galay markaa xalad amni darro lkn qalqalka siyasadeed ee dalka ka jiray waxaa ka faa,ideystay Maxamed Siyaad Barre oo 6 maalin kadib geeridii maxaweyne C/Rashiid Cali Sharmake la wareegay xilka maxdaxweynenenimo.
Maxamed Siyaad Barre ayaa 21/10/1969 ku dhawaqay inuu yahay madaxweynaha dalka.

Comments
Post a Comment