somaliya dhaqaalaheed maxuu ku tiirsan yahay

Somaaliya dhaqaalaheeda waxa uu ku tiirsan yahay waa 3 sheey oo laf dhabar u ah somalia, waana Beeraha, xoolaha iyo kalmuumeysiga,

 Aan ku hormarno beeraha Somaaliya beeraha kaliyda waxaa laga helaa gobolada dhexe qaarkood iyo kuwa koonfureed kuwaas eey maraan wabiyada kala ah JUBBA İYO SHABEELE. somaaliya hadii eey daqliga beeraha si saxan u soo saarto daqligeeda waa waxeey noqoneysaa mid u dhoofisa wadamanka kale taa oo somaliya ka dhigeysa in dhaqalaha wadanka kor u kaco, laakin taas badalkeeda somaliya aayaba mararka qaar laga wayaa qudaarta nocyadeeda kala duwan taas oo keenta ineeysan laheen somaliya system wax lagu beero qof walba waxa uu beeraa waxa uu u arko ineey ka maqan yahiin suuqa, tusaale hadii suuqa laga waayo yaanyo beeraha dhan waxeey beeraan yaanyo markeey yaanyada soo go,do waxaa hadana la wayaa qudaartii kale sababtoo ah beerahii dhan waxeey beereen yaanyo oo kaliya. 

 Aan u imaano xoolaha somaliya waxeey dhoofisaa geela ariga iyo lo,da taas oo u dhoofiso sacuudiga waana isha kaliya wax doofis eey somaliya haysto, ma jiraan wadamo kale eey wax u dhoofiso somaliya sababta ugu weyn ayaana ah ineeysan haysan shahadada bed qabka cafimaad ee sheeyga la rabo in la dhoofiyo, madama eeysan shahadadaas wadan sacuudiga uusan ku xujeyn somalia waa wadan kaliya een wax u dhoofin karno. 

 Aan u imaano kaluumeysiga somaliya kaluunkeeda sida la sheego waxa uu ku filanyahay hadii la dhoofiyo somaliya oo dhan, iska daa qeyradka kalee kalumeysiga kaliya dhaqalaha aan ka sameyno ayaa ku filnanaya somaliya oo dhan, nasiib xumo ma dhoofin karno malayga sidaan kor ku soo xusnayba ma haysano wasaarad koontaroosha badeecadaheena kadibna na siisa shahadada bed qabka ee lagu dhuufiyo MALAYGA QUDAARTA GEEL ARIGA IYO LO,daba, waxaa kale oo nasiib xumo ah in xeebaheena eey wadaman kale ka kalumeystaan kuwaas oo celcelis ahaan ka sameeya sandkii lacag dhan 7.2B$ oo dollar halka somaliya xitaa uusan kaluunku gaarin gobolada aana xeebaga laheyn sida HIIRAAN, BAY, BAKOOL, GEDO, TOGDHEER IYO SOOL xitaa gobolada leh magaalooyin ka mida ma gaaro malayga sababo lala xiririnaayo ineeysan jirin konteynaro leh qaboojiyo oo lagu geeyo melahaas iyo amni daro laga baqaayo kooxda argagaxisada ah ee alshbab. waxyaha aan kor ku soo xusnay waa waxyahaba dhaqalaha somalia uu kor ugu kici la yahay.

Comments