Waa maxay 4.5 maxeeyse ku timid

Nidaamka siyaasadeed ee somaaliya waxa uu ku dhisan yahay qaab qabiil oo loo soo gaabiyo 4.5. taas oo macnaheedu yahay ineey jiraan 4 qabiil oo waaweyn oo sisiman wax u qaata iyo qabiilo ku jira qaanada .5 oo ah kuwa laga tiro badan yahay. .5 waxaa loo jeeda haaf ama jab. 4,ta Qabiil ee waaweyn waxeey kalayahiin HAWİYE, DAROOD, DİR iyo DİGİL/MİRİFLE. qabiilada .5 ku jira waxaa kamida JAREERWEYNE. BANADİRİ, İYO KULMİS. Markii ugu horeysay ee uu sistamka 4.5 soo ifbaxo waxeey aheed 2000 shir ka dhacay magalada Carta ee dalka Jabuuti, shirkaas oo asna al oran jiray shirkii carta. 2000 siyaasada somalia waxaa awood ku lahaa ururo la kala oran jiray İCTİSAM, AL TİXİYAAD, AL İSLAAX, ururadaan waxaa kasii farcamay urur la oran jiray MAXAAKİİN iyo XİSBUL İSLAAM, kuwaana waxaa kasii faecamay ururka ilaa hada aanan tirtirmin ee AL SHABAB. ururada kala ah İCTİSAM, AL TİXİYAAD, AL İSLAAX, ayaa sanadii 2000 waxeey iclamiyeen shir kasoo ka dhcaayo magalada carta waxeeyna soo sareen nidaamka 4.5 waxeeyna rabeen nidamkaan ineey uga taqalushaan hogamiyo kooxedyo ka jiray wadanka xiligaas. qabiilada .5 ah sababta ugu weyn ee qanadaas loo galiyay ayaa aheed ineey ahayeen kuwo laga tiro badan yahay hadana aana dagalamin oona dhiig muslim daadid badankood. Nidaamka 4.5 gabi ahaan waxuu ka soo horjeedaa diinta islaamka madama dadka lagu kala soocay awood qabiil walba leeyhay mid hubeed iyo mid dadeedba iyo dhul ahaan intuu somalia ka dago. xitaa qabiilada 4,ta ah ee waaweyn waxaa jira kuwo ku aana qeyb fiican ka dhex helin qabiilkooda sida HAWİYAHA waxaa qeyb fiican helin GUGUNDHABE iyo GAALJECEL. DAROODKA asna waxaa qeyb fiican helin DİSHİSHE iyo WARSANGELİ iyo kuwo kaloo badan. sidoo kale DİRTA iyo DİGİL iyo MİRİFLAHA waxaa jiro kuwo aana qeyb fiican helin.

Comments