Somaalidu ma waxaay ka timid oadayaal la kala oran jiray HAWİYE, DAROOD, DİR, DİGİL İYO MİRİFLE iyo odayaal kale oo aana sidaas u tarmin ee loo yaqaan 0.5

Sida dadka somaliyeed badankood eey aaminsan yahiin ayaa ah in somalidu aay ka farcameen HAWİYE,DAROOD,DİR İYO DİGİL İYO MİRİFLE, sidoo kale waxaa jira odayaal oo aana aheyn qabiiladaa soo sheegnay ooy somalidu u taqaan 0.5 hasayeeshee fikradaan ah in odayashaan la sheegaa somalidu ka soo farcantay ayaa ah mid been ah sababtoo ah aqliga ibni aadamka kama dhadhaceeyo 10 qarni ka hor somaaliya kaliya waxaa ku noolaa odayshaas aan kor ku soo xusnay. waxaa jirta fikrad kale oo tiraahda marka laga reebo Darood iyo Digil iyo mirifle somalida kale waxeey ka soo farcaam oday la yiraah SAMAALE odaygaan hada waxaa ku abtirsado beelaha HAWİYE oo markeey ku abtirsanan dhaha HAWİYW İRİR SAMAALE sidoo kale dir oo hawiye walalo yahiin ayagaa ayaga ah DİR İRİR SAMAALE sidoo kale XAWADLE ayaa soo galayaa oo asna u factirsada XAWADLE MAXAMED MEYLE SAMAALE, sidoo kale waxaa la sheegaa sababta uu xawadle u badan wayay uu qoomiyad u noqon wayay in odaygii MEYLE uu madi ahaa sidoo kale odaygii MAXAMED madi(kali) ahaa oo odagii XAWADLE kaliya farcamay. sidoo kale marka aqliyada lagu miisaamo arinkaan ah in somalida haafkeed eey ka soo farcantay oday la oran jiray SAMAALE maaha mid macquula. Lakiin sida saxda ah ayaa ah in somalidu aheyd xoolo dhaqato sidoo kalana eey geela aad u kala dhici jirtay xiligaas sidoo kale Soomalidu wxaay ahayeen dad reer guuraa ah oo meshuu aaran ka dhoco beey xoolaha u qunsan jireen, marka reeraha xoolaha soo naq raacay waxaa leysku dayi jiray in xoolaha laga dhoco sidaas waxaa sameyn jiray reeraha degaankaan aaranku ka dhacay (roobku ka da,ay) degenaa meeshaasna waxaa ka dhici jiray dagaalo qaraar iyo takanooyin waaweyn. markii danbe waxaa soo if baxay in reero walba oo isla dagan eey sameystaan oday reerahaas hogaamiya oo magaciisana somalidu u yaqanan NABAD DOON rerahaas waxaay nabaddoon ka dhigan jireen ninka ugu weyn uguna waayo aragsan reerahaas masiirkoodana asigaa loo deyn jiray hadii geel laga dhoco hadii ayagu geel soo dhacaan hadii qof eey dilaan iyo hadii ayaga laga dilaba asaa xalin jiray, reerahaas waxeey qaadan jireen magaca nabdoonkooda TUSAALE hadii nabadoonka la oran jiray nabadoon cali dadka waxeey dhihi reer cali cido la yiraah baa meshaan dagan. Arintu qarniyo waxeey saas ahaataba qadiyadii reeraha baa xoogsatay dagaladii baa batay magacyadii nabadoonada baa loo badalay kuwo qabiil ayadoo la leeyahay anaga waxaan reer hebel waxaan dagnaa meel hebel, waana sida leys leeyahay qabiiladu weey ku aasaasmeen dadkii markeey bateena nabdoonadii baa batay. marka qabiilada sida Xawadle, Abgaal, Mariixaan, Ogadeen, Raxanweyn, Isaaq iyo kuwo kaloo badan waxaa loo maleynaa ineey ahayeen nabdoono reero lkn markii danbe loo badalay qabiil. adiga fikir ahaantaada maxeey kula tahay.

Comments