Ma runbaa in somalidu tahay 17.2m shacab ah (population)

Waxaan kugu qancin donaa in somalidu dadkeedu ka badanyahay 50M anoon isticmaalaaya ixtimaal (probability) Hadaba inteeysan dhicin dowladii maxamed siyaad bare somalida tira koobkoodu waxa uu ahaa 9m oo dad ah. markuu dhacay dagaaldii sokeeye waxaa jiray dad wadanka iskaga baxay kuwaas oo celcelis lagu qiyaaso 500k oo dad ah, waxaa noo soo haray 8.5m burburkii somaliya waxuu dhacay 1991 tasoo ka dhigan qofkii dhashay 1991 inuu jiro 33 sano. qofka somaligaa haduu 27 iyo wax ka weyn jiro waxaa lazim ah inuu reer leeyahay uu meel dagan yahay taas oo la macno ah 8.5m ee xiligaas joogtay inta dhimatay mahee inta nool ineey reero leyahiin. Qooska ugu yar waxa eey dhalaan 4 cunug kuwa ugu badana 8 canug, kuwaan waa qoosaska dhalamda wada oo dadoodu ka hooseeyso 40, numerka 4 iyo 8 waa 6 waxanaa isticaamli doonaa numarka 6, Halka kuwa dhalmada gooyay ee ugu yar eey dhalaan 10 caruur ah ilaa 14 caruur ah, numarka celceliska ah ee 10 ilaa 14 uu yahay 12, Aan u imaano ixtimaalka, 8.5M inana u kala qadanaa rag iyo dumar waxanaa 8.5 u qeybin donaa 2, tiro ahana waxaa soo bixi doonta raga somaliya inuu yahay 4,250,000 milyan. iyo 4,250,000 miyan dumar ah. Marka ahaan raga aan u sii kala qaadno qaarka yar 40 jirada ee wali dhalmada wada iyo kuwa ka weyn 40 ka anoo u qeybin doona 2, waxaa soo baxeeysa 2,125,000 oo raga 40 ka yar ah iyo 2,125,000 oo ah raga 40ka ka weyn. marka hadii aan 2,125,000 miyan ku dufano 6 oo aheed tirada celceliska ilamaha ay dhali karaan raga da,dooda ya kar tahay 40 sano waxaa soo baxeysa 2,125,000x6=12,750.000 milyan sidoo kale raga 40 ka weyn oo ayagana celceliska ilmahooda ahaa 12 hadii aaan ku dhufano waxaa soo baxeysa 2,125,000x12=25,500,000 miyan. maraka leysku geeyo 25,500,000+12,700,000=38,200,000 milyan. Taas oo ka dhigan dadka somalia ku nool qiyaas ahaan ineey yahiin 38,200,000 milyan oo dad ah. FİİRO GAAR AH, waxaan waa ixtimaal maaha tiradii saxda aheed. somalida qurbaha ku nool waa 2,767,082 miyan anoo ka soo xigtay Wikipedia. xitdaa hadaan sameeyno itimaalkii aan ku someeynay 8.5 m ee somaliya ku nooleed cml saan horay u sheegnay 500,000 baa somaliya ayaan ku qiyaasnay celcelis wxaan u kala qadeynaa dadka quraba jooga oo celcelia ahaan dhalan 3 ilaa 4 caruur ah madama aysan caruur badan ku hayn karin yurub, halka kuwa wadamanka kale ku nool oo ayagana qiyaas ahaan dhala 6 ilaa 7 caruur ah waxaan ixtimaal ahaan qaadan doonaa numarka 5 oo u dhexeeya tiradii aan horay u soo sheegnay maekaa hadaan 500,000 ku dhufano 5 waxaa noo soo baxaaya 500,000x5=2,500,000 milyan baa soo baxeysa taas oo u dhaw tirada aan ka soo xiganay WİKİPEDA. Dad somaaliyeed ee dagan kilirka 5 aad ayaa ayagana tiro ahaan lagu qiyaasaa 7,650,000 oo soomali ah. somalida ku nool NFD ayaa ayagana tiradooda lagu qiyaasaa 2,780,502 milyan oo soomali ah. marka hadaan isku darno 38,200,000 oo somalia ku nool iyo 2,767,082 oo qurbaha ku nool iyo tirada somalida itoobiya oo lagu qiyaaso 7,650,000 iyo somalida kenya oo ayagana lagu qiyaaso 2,780,502 waxaa soo baxeeysa 51,397,584 milyan, taas oo ka dhiga tirakoobka dadkeedu inuu yahay 51m oo soomali ah. Kadib ixtimaaladii aan soosameeynay waxaan ku agaanay in somaliya dadkeedu ku dhawyahay ama ka badan yahay 51miyan oo dad ah. Sidoo kale tirada waxaa ku jira dad dhintay kuwo xabad dishay iyo kuwo qarax layay in kastoona haysan halbeeg lagu ogaan karo jirin hadan hadaan hadaan qiyaasno dadkaas dhintay waa 3m qiyaas ahaan. somalia population is 51.3 million.

Comments